1 Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.
2 Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.
3 Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo
4 walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.
5 In runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga.
6 Laakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin.
7 Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan,