13 Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale.
14 Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.
15 Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.
16 Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin,
17 si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,
18 Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.
19 Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono, Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono.