7 Ama, Yaa yamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)?
8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno.
9 Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa,
10 waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta.
11 Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Ku alla kii rumaysta isaga, ceeboobi maayo.
12 Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga.
13 Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa.