3 Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa.
4 Ogaada, xataa doonniyaha, in kastoo ay waaweyn yihiin, oo dabaylo waaweynu kaxeeyaan, weliba waxaa loogu jeediyaa shukaan aad u yar meeshii ninka wada qushigiisu doonayo.
5 Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido.
6 Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.
7 Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka.
8 Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.
9 Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.