4 Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
5 Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
6 She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh.
7 Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
8 Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
9 Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
10 Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.