1 Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.
2 Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.
3 Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.
4 Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.
5 Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.
6 Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.