1 Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.
2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.
3 Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.
4 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta.
5 Sidaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub.