1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,
2 Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.
3 Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.
4 Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.