28 Oo ninkii Yaaraabcaamna wuxuu ahaa nin xoog leh; markaasaa Sulaymaan wuxuu arkay in ninka dhallintayaru yahay nin aad u shaqeeya, kolkaasuu madax uga dhigay hawshii reer Yuusuf oo dhan.
29 Oo waagaas waxay noqotay, markii Yaaraabcaam Yeruusaalem ka tegey, inuu Nebi Axiiyaah oo ahaa reer Shiiloh isagii jidka ka helay, oo Axiiyaahna dhar cusub buu qabay, oo labadooda keliya ayaa berrin joogay.
30 Markaasaa Axiiyaah qabsaday dharkii cusbaa oo uu qabay, oo wuxuu u kala jeexjeexay laba iyo toban meelood.
31 Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,
32 (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;)
33 maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.
34 Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.