1 Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.
2 Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.
3 Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.
4 I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii. Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa, Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan. Si qumman ayay kuu jecel yihiin.
5 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.