2 Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
3 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
4 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.
5 Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu? Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis. Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay, Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
6 Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
7 Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
8 Annagu waxaannu leennahay walaal yar, Oo aan innaba naaso lahayn. Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa Maalintii iyada guur loo soo doonto?