1 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
2 Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya, Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
5 Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?