1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
2 Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,)
3 waaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari,
4 oo soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon.
5 Oo soohdintu waxay la soo wareegi doontaa Casmoon ilaa tan iyo durdurka Masar, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa xagga badda.
6 Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed.
7 Oo intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor.