Cibraaniyada 5 KQA

1 Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.

2 Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.

3 Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.

4 Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay.

5 Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

6 Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.

8 In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday;

9 oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.

10 Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.

Masiixiyiintu Waa Inay Xagga Ereyga Ilaah Hore U Maraan

11 Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis.

12 Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.

13 Waayo, mid kasta oo ay cuntadiisu caano tahay aqoon uma laha hadalka xaqnimada, waayo, waa ilmo yar.

cutubyada

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13