Markos
cutubyada 13:2-8
Kitaabka Quduuska Ah
2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
3Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen,
4Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan?
5Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.
6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
7Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.
8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.