3 Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis.
4 Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya.
5 Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.
6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.
7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.
8 Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
9 Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.