11 Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen.
14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.
15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.