1 Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna?
2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan.
3 Waad weyddiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weyddiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood.
4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa.
5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra?