31 Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay,
32 oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan.
33 Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen.
34 Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.
35 Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.
36 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
37 La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.