4 Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,
5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.
6 Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.
7 Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.
8 Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.
9 Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;
10 shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.